Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid

Published: August 13, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, kaas oo ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mudane Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo iminka ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.

Rooble oo xiligan xukuumadiisa ku mashquulsan tahay qabashada doorashada ayaa dadaalo ugu jira sidii loo abuuri lahaa kalsoonida iyo jawi wanaagsan oo ay doorashada ku dhici karto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *