Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta u ambabaxay Dalka Switzerland.

Published: April 24, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland kaddib markii lagu casuumay shir looga hadlayo abaarta ka jirta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo safarkiisa qaadan doonna maalin sida uu xaqiijiyay Xafiiskiisa, waxa uu kulamo kooban oo gaar gaar ah la qaadanayaa ka qaybgalayaa shirkaan lagu gorfeynayo heerka abaarta geeska Afrika gaarsiisan tahay.

Waddamada dhaqaalaha bixiya ayaa ka qaybgalaya, waxaana lagu wadaa ina y haboohaan lacago wax looga qabanayo abaarta si gargaar loogu raadiyo qoysaska ku dhibaateysan gobollada abaartu saameynta taban ku reebtay.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer ku celcelisay in ay u baahan tahay lacago ay kusoo iibiso gargaar bani aadamnimo si loo gaarsiiyo Xoolo dhaqato iyo beeraley abaarta ku saameysay Geeska Afrika.

Gabagabada shirka lagu wado in uu ka dhaco Gevena ayaa lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed ku saabsan yabooha dhaqaale ee ay sameeyeen ka qaybgalayaasha shirkaan iyo sida ficil loogu rogi karo kaalmadaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *