Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya,…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.
Horseed Media