Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

Published: July 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka Suuriya, kaas oo wacdaro ka dhigay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo is raacii labada gobol 1-da Luulyo.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in wiilkani ay garab istaag iyo dhiirri gelin buuxda u sameeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay saacidaadda dhaqaale ee uu u fidiyay Wiilkan Suuriyaanka ah iyo shaqada uu u ballan qaaday marka uu qaan gaaro.