Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Bangiga Adduunka kala hadlay gurmadka abaaraha

Published: August 31, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamulaha ayaa ka wada hadlay wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda, iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *