Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo dalka dib ugu soo laabtay, xilli la wado mooshin

Published: April 29, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa ilaa bisha June in uu isku shaandhayn kooban ku sameeyo golihiisa Wasiirada, waxayna u badan-tahay in xubnaha wasiirada ee qaarkood ee aan xildhibaanada ahayn ay xilkooda waayi-doonaan sidda ilo-wareedyo sheegayaan.

Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal hayey in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan mooshin ka dhan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Horseed Media