Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta codsi u gudbinaya Golaha Shacabka

Published: July 25, 2022
Shares4

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa la isugu yeeray kulan weyne ay yeelan doonaan maanta, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka maanta oo Isniin ah ka qabsoomi doono xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, marka saacadu tahay 9:00 Subaxnimo.

Guddoonka Golaha ayaa ajandaha kulanka maanta ku sheegay inuu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu Golaha ka codsado in 10 maalmood oo dheeraad ah la siiyo, si uu ugu soo dhiso Golahiisa Wasiirada, maadama ay maanta ku egtahay 30 maalmood oo ahaa muddada uu u haystay inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *