Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo soo saaray go’aamo ku socda Golaha Wasiiradda cusub

Published: August 11, 2022
Shares10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa saaray go’aamo la xiriira ilaalinta nidaamka shaqada iyo hantida qaranka.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wargeliyay Golaha Wasiirada in ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka, marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxaa reeban magacaabis iyo shaqo ka joojin Saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.”

Golaha Wasiirada ayaa la faray, ka hor inta aanay sameyn xil magacaabis ama is bedel ay ku sameeyaan masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha ay madaxda ka yihiin in ay waafajiyaan sharciga, isla-markaana ay wada tashi kala yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *