Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Sacuudiga

Published: September 28, 2022
Shares16

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman ugu hambalyeeyay xilka Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada ee xalay loo magacaabay.

“Waxaan u hambalyeynayaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, munaasabadda ay Boqortooyada ugu magacawday inuu noqdo Ra’iisul Wasaare.

Waxaan u rajeynayaa caafimaad qab, inuu horumariyo Boqortooyada Sacuudiga iyo shacabkeeda, anigoo u rajeynaya bash-bash iyo xasillooni inta uu hoggaaminayo hoggaanka caaqilka ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo qoraal soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan bin Cabdicasiis ayaa wiilkiisa ahna dhaxal-sugaha u magacaabay inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada.

Horseed Media