Ra’iisul Wasaare Xamse & Danjiraha Qatar oo ka wada hadlay arrimaha bini’aadanamida

Published: April 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxa ay labadan masuul si gaar ah uga wada hadleen arrimaha bini’aadanamida oo Dowladda Qatar ay ka gacan siiso Soomaaliya.

Kulanka uu maanta Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre la yeeshay Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa ka dhigan kii saddexaad uu la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya Jooga.

Horseed Media