Ra’iisul Wasaare Xamse iyo James Swan oo ka wada hadlay xaaladaha ammaanka & abaaraha

Published: September 25, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira maanta.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen. 

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda DanQaran.

Horseed Media