Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi oo hoggaaminayo oo safar ugu baxay Dalka Ciraaq

Published: July 4, 2024
Shares4

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baqdaad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.