Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay shirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya & bangiga adduunka

Published: November 17, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa caddeeyay in dalku  uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda  ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga.

“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran” Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka.

Horseed Media