Ra’iisul Wasaare Xamse oo hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Published: June 12, 2023
Shares4

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta  ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan  shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Xukuumadda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

Horseed Media