Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay guddi ka shaqeeya gurmadka qaraxyadii ka dhacay Soobbe

Published: October 30, 2022
Shares2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan – Guddoomiye

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali – Xubin

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Xubin

4. Daa’uud Aweys Jaamac – Xubin

5. Khadiijo Maxamed Diiriye – Xubin

6. Abshir Maxamed Axmed – Xubin

7. Xirsi Jaamac Gaani – Xubin

8. Yuusuf Xuseen Jimcaale – Xubin

9. Maxamuud Macallin Cabdulle – Xubin

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax – Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2. Fidinta caawimaad deg deg ah  dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.

4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka.

Horseed Media