Ra’iisul Wasaare Xamse oo Midowga Afrika kala hadlay dhinacyada amniga & siyaasadda

Published: August 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiye Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Sidoo kale labada Masuul ayaa isla soo qaaday qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre oo magaalada Tunis uga qaybgalay Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo shaley la soo gaba-gabeeyey ayaa kulamo uu la qaadanayo madaxdii ka qeyb gashay shirka ka wada halkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *