Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in labo cadow ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin

Published: May 17, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuqmaasuqa. 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka.

Sidoo kale waxa uu faray in ay ka miro-dhaliyaan qaraarkii Xukuumadda Dan-Qaran ee adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta, kaas oo si cad u qeexayey ciribtirka musuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in labo cadow oo waaweyn ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin kuwaas oo kala ah Alshabaab iyo Musuqa, wuxuuna intaas ku daray in sida dagaalka cad loogu qaaday Al-shabaab oo kale in dagaal ka culus loogu qaadayo Musuqa iyo hufnaan la’aanta.

Horseed Media