Ra’iisul Wasaare XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Kuuriyadda Koonfureed

Published: June 2, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka Kuuriyadda Koonfureed, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farhan Jimale oo faah faahiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha,waxa u shegay in Ra’iisul wasaraha oo Jamhuuriyadda Kuuriya gaar ahaan Caasimada Seoul uga kaga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 -ilaa 5-Juun.

Afhayeenku waxa uu sheegay in shirkaa looga hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyo dalalka qaarada Afrika iyo jamhuuriyadda kuuriya, waxaana ka qeyb gali doono shirka madax ka socoto waddamada Afrika iyo Bangiga Hormarinta Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga, Hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arrimo kale.

Ra’iisul WaWasae Xamsa Cabdi Barre ayaa khudba ka jeedin doono shirka uu kaga hadli doono horumarka ay sameeysay xukuumadda Soomaaliya ee la xariirta dhinacyada Amniga, hormarinta dhaqaalaha iyo dhanka Arrimaha bulshada.