Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Wafti Ka Socday Midowga Afrika

Published: March 24, 2017

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi sare oo ka ka socday Ururka Midowga Afrika oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Waftiga oo uuhoggaaminayo madaxa ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqashoSaddex Cisho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.

Wafdiga iyo madaxda sare ee dowladda federaalkaayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ka hayaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena loo xoojin lahaa ciidamadda Soomaaliya si mustaqbalka dhow u hantaan amniga dalkooda

Danjire Ndumiso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo aad ugu kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo dagaal wada jira kula kira Ururka Al-Shabaab.

Gabagabdii, Ciidamadda midowga afrika ee Amisom ayaa muddo 10 sanno ah waxay ka howgalayaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku soo biiraan ciidamadda safka hore ee Kiiniya, Ethiopia iyo Djbouti, waxaan dhowaan la kordhiyay muddo kale waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *