Ra’isul Wasaare Lix Bilood xilka Hayay oo Lagu Khasbay Inuu Iscasilo

Published: March 4, 2020

Barlamaanka Ukrain ayaa cod aqlabiyad ah ku aqbalay iscasilaad uu soo gudbiyay Ra’isul wasaaraha dalkaasi Oleksiy Honcharuk ka dib markii uu madaxweynaha dalkaasi uu dhaliilay waxqabadka xukuumadiisa.

Ra’isul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa xilka hayay muddo lix bilood oo kaliya waxaana lagu khasbay inuu iscasilo markii uu madaxweynuhu uu barlamaanka ka dalbaday inay qabtaan kalfadhi aan caadi ahayn oo xilka looga qaaday ra’isul Wasaaraha. 353 xildhibaan ayaa u codeeyay in la aqbalo iscasilaada ra’isul wasaaraha.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy waxaa uu ku eedeeyay ra’isul wasaarihiisa iyo xukuumada uu soo dhisay maamul xumo iyo inay ku fashilmeen ballanqaadyadii ay sameeyeen sida cashuur ururinta, hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka warashadaha dalkaasi iyo dib u habaynta lacagaha la siiyo dadka howlgabka ah.

Dhinaca kale, xiriirka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iscasilay ayaa aad u xumaaday markii dhawaan cod sir ah laga duubay ra’isuwasaaraha oo xamanaya madaxweynaha oo leh ” Waxba kama yaqaan dhaqaalaha iyo maamulka dowladeed”

Madaxweynaha Ukraine waxaa uu si kumeel gaar ah ugu magacaabay Ra;isul wasaaraha dalkaasi Denis Shmygal oo ah 44 jir hore u u ahaa ra;isul wasaare ku-xigeenka dalkaasi

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *