Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo daahfuray bandhigga dalxiiska Soomaaliya

Published: September 14, 2024

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kole Bandhiggaan waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda Midowga Afrika, turkiga iyo martisharaf kale.

Sanad kasta maanta oo kole ayaa loo asteeyay Maalinta Dalxiiska Soomaaliyeed waxaana lagu soo bandhigaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi si loo hormariyo dalxiiska.

Horseed Media