Raysal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Oo Tababar U Xiray Saraakiil Ka Tirsan CXDS

Published: June 22, 2023
Shares4

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa tababar u soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkan oo socday muddo 4 cisho ah ayaa la xiriiray tababar ku saabsan isku xirka shacabka iyo ciidanka Xoogga Dalka, waxaana munaasabadda xiritaanka goobjoog ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Tababarka oo ay soo agaasintay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka Ciidanka XDS G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali si kor loogu tayada Saraakiisha &Saraakiil xigeenada Ciidanka XDS ee ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Horseed Media