Raysal wasaaraha magacaaban ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya…
Raysal wasaaraha magacaaban ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya weydiistay inay siiyaan codka kalsoonida, taas oo u suura galinaysa inuu soo dhiso xukuumad cusub.
Waxa uu ka mahadceliyey islamarkaana aqbalay xilka uu madaxweynaha JFS u magacaabay ee wasiirka 1-aad ee Soomaaliya, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay mas’uuliyadda xil-gudashadiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa raysal wasaaraha cusub faray inuu sida ugu dhaw u soo dhiso xukuumad cusub marka uu helo kalsoonida golaha shacabka, taas oo sii wadi doonta hawlaha Qaranka oo ay ugu horrayso arrimaha doorashada dalka.
Hoos ka daawo:
Horseed Media