Raysal Wasaare Rooble Iyo James Swan Oo Kulmay

Published: October 26, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, waxaana ay yeesheen kulan Xasaaasi ah oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Siyaasadda dalka.

Kulanka dhexmaray raysalwasaare Rooble iyo James Swan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, nabadgalyada iyo Iskaashiga Somaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka.

Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ayaa waxaa hor yaalla arrimo ay ka mid yihiin dar-dar galinta doorashooyinka soo aaddan, waxaana aad u kooban waqtiga uu haysto Ra’iisul Wasaare Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *