![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/qabriga-amiirkii-kuwait.jpg)
Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee dalka Kuwait, Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii alle ha u naxariistee amiirka dalkaas marxuum Sabaax Al-Axmed.
Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/dhambaalka-tacsida.jpg)
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha ummadda dalka Kuweyt Mudane Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Mudane Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.
Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.
Hoos ka daawo:
Horseed Media