Raysal Wasaare Rooble Oo Hortagey Golaha Shacabka – SAWIRO

Published: February 10, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta hortagey golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa uga warbixiyey waxqabadkiisii 100ka maalmood ee uu xafiiska joogay.

Raysal Wasaaraha ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha Amniga, horumarinta dhaqaalaha, adeega bulshada, cadaalada, dowlad wanaaga, la dagaalanka musuq maasuqa, dib-u-eegista dastuurka iyo dhab u heshiisiinta.

Sidoo kale Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la qabali doonin in la khal-khal geliyo amniga dalka, isagoo xusay in dowladnimada ay dadka Soomaaliyeed ugu fadhido micno weyn.

“Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka. Dowladnimada aan maanta haysannaa, waxay noogu fadhidaa qiime aad u weyn, waxaana waajib nagu ah in aan wada ilaashanno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Nin aan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin”.

RW Rooble

Ugu dambeyn Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dadaal ku bixinayaan sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *