![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/1-10-992x720.jpg)
Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Ujeedka kormeerka raysal wasaaraha ayaa ahaa u kuurgalida hawlaha ka socda iyo sida ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran amaanka bulshada, isagoo kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/2-7-1034x720.jpg)
“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”
RW. Rooble
Raysal Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.
Hoos ka daawo:
Horseed Media