Raysal Wasaare Rooble Oo La Kulmay Guddi Hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha

Published: September 30, 2020

Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan isugu yeeray guddi hoosaad horumarinta dhaqaalaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *