Raysal Wasaare Rooble Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey Safarkii Puntland – VIDEO

Published: December 14, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo galabta ka dhoofay magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu guul ugu soo dhamaaday safarkii ay dhowrka cisho ku joogeen Puntland.

Rooble oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay, in inta badan ay guulo ka gaareen arrimihii uu u yimid Garowe oo ay kamid yihiin, dhinacyada waxbarashada, caddaalada iyo dastuurka, balse ma xusin qodobadii lagu heshiin waayay.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheeegayaa in aan meel wacan islasoo gaarnay oo inta noo dhiman aan mardhow dhamestirayno. Waxaan leeyahay waa la doogsan ee yaan la dacaroon” .

Raysal Wasaare Rooble

Raysal Wasaare Rooble oo ujeedka ugu weyn safarkiisu ahaa arrimaha doorashooyinka gaar ahaan sidii ay Puntland u magacaabi lahayd xubnaha dhiman ee guddiga doorashooyinka dadban ayaa waji gabax kala kulmay madaxda Puntland oo ku adkaystay shuruudi ahayd in xal laga gaaro arrimaha gobolka Gedo iyo guddiyada doorashada gobolada waqooyi oo lagu muransan yahay.

Raysal Wasaaraha oo la filayey inuu socdaal dhulka ah ugu ambabaxo Galmudug ayaa ka baaqday, wuxuuna ka dhoofay garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee Garoowe, waxaana sagootiyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *