Raysal Wasaare Rooble Oo Xilka La Wareegay – VIDEO

Published: September 27, 2020

Raysal wasaaraha cusub ee dowlad federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkaasi kala wareegay Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa kusimaha raysal wasaaraha dalka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xafiiska raysal wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Ibrahim Muudey iyo masuuliyiinta siihayeyaasha ah iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Wuxuuna Mahdi Guuleed ku wareejiyey raysal wasaaraha cusub documantiyada xafiiska, isagoona xilkaasi siihayey muddo kor u dhaafaysa 50 cisho.

Xil-wareejinta ayaa meesha ka saaraysa codsigii Xasan Cali Kheyre, waxaana warar hoose oo ay heshay Horseed Media xaqiijiyeen inuu raysal wasaare Rooble doonayey inuu xilka kala wareego kheyre balse waxaa arrintaas ku gacan sayray madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *