Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Daahfuray Shirka Isku-duwidda Horumarinta Dalka

5 March, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta, kaas…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta, kaas oo lagu soo bandhigayey guulaha ay Xukuumaddu xaqiijisay, caqabadaha jira iyo talooyin ku saabsan sidii la isku waafajin lahaa  qorsheyaasha Qaranka iyo barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda iyo saaxiibada caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hey’adaha iyo deeqbixiyaasha in mashaariicda ay ka fuliyaan dalka ay noqdaan kuwo raasumaal leh oo wax u taraya dadka Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda wixii ka danbeeya wadajir loo xisaabtami doono.

Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka hartay dunida soddonkii sano ee la soo dhaafay, haatanna ay lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan kana xawaare badan sidii hore, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Madasha waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah), deeq-bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay (UN), Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyo marti-sharaf kale.

Horseed Media