Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo lagu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo

Published: July 30, 2024

Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo talaado ah gaaray magaalada Kismaayo.

Xamse iyo wafdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jubaland u tagey dhiirigalinta iyo tageerada Ciidamada Jubaland iyo Xooga dalka oo guulo la taaban karo ka gaaray dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanada Jubaland.

Horseed Media