Raysal-wasaare Xamse oo hambalyo direy ciidanka xoogga dalka

Published: April 12, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumaddiisu qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

12 Abril ayaa sanadkasta la xusaa asaaskii dhismaha ciidanka xoogga dalka oo asaaskoodi ay ka soo wareegtey 64 sano.

HORSEEDMEDIA