Raysal Wasaare Xamse Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Golihii Wasiiradda XFS

Published: July 9, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamsa cabdi Barre  ayaa caawa sameeyay Magacaabis iyo Isku Shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska RaysalWasaare Xamse ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Maaliyadda, waxaana sidoo kale la magacaabay wasiiru-dowlayaal.

Hoos ka akhriso:

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre: Markii uu arkay qodobka 97aad farqadiisa 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Markii uu arkay qodobka 98aad farqadiisa 2-aad ee xarfaha A & B ee Dastuurka KMG.

Markii uu arkay qodobka 100-aad xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG Markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu garowsaday baahida loo qabo in la dardargeliyo shaqada Xukuumadda.

Waxa uu isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada ee soo socda

1. Mudane Biixi Iimaan Cige waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2. Dr Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

3. Mudane Abuukar Jeylaani Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

4. Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta

Wasiirada cusub ee la magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda kadib marka la dhaariyo.

Horseed Media