Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.
Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.
Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban:-
- Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
- Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
- Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
- Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
- Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
- Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
- Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
- Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
- Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
- Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada
Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:-
- Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
- Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
- Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
- Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
- Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.
Horseed Media