Raysal Wasaare Xamse oo ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada inay ilaaliyaan qaranimada dalka

Published: September 10, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka.

Mudane, Xamsa oo ka hadlayay munaasabad Dhagax dhig ah oo ka dhacday Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay difaaca Qaranimada iyo midnimada bulshada aan gorgortan laga geli Karin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si gaar ah ula hadlayay farriimha qaldan ee ka imanaya qaar ka mid ah hoggaamiye goboleedyada dalka ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in aysan Itoobiya ku garab istaagin damaca gurracan ee ay ka leedahay geyigeenna.

Wuxuuna hoggaamiyeyaasha kala duwan , siyaasiyiinta iyo Odayaashuba ugu baaqan in aysan si qaldan wax ugu sheegin bulshada oo aysan ummada ku beerin qabyaalad, iyagoo dana gaar ah eeganaya, taas oo keeni karta fashil, wuxuuna xusay in ay ku cibra qaataan waxyaabihii lasoo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay soo celinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay in  Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay cilaaqaad la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka maaddaama aynu nahay dowlad madax bannaan.

Horseed Media