Raysalwasaaraha Armenia oo ka badbaaday Dil iyo Inqilaab!

Published: November 15, 2020

Sirdoonka Dowlada Armenia ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe la doonayey in lagu dilo Raysalwasaaraha dalkaasi Nikol Pashinyan.

Qorshahan ayaa loo xiray kooxdii ka danbeysay sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’ada Sirdoonka Armenia ee loo yaqaan NSS.

Abaabulkan ayaa waxaa la sheegay inuu hogaaminayey Taliyihii hore ee Sirdoonka wadankaasi Artur Vanetsyan oo ay wehliyaan Hogaamiyihii hore ee xisbiga Jamhuuriga dalkaasi oo lagu magacaabo Vahram Baghdasaryan iyo xubno horey uga tirsanaa militariga dalkaasi.

Kooxdan ayaa doonayey inay awood ciidan kula wareegaan xukuumada kadib marka ay dilaan Raysalwasaaraha ay iyagu soo dhisaan xukuumad cusub.

In badan oo kamid ah Shacabka Armenia ayaa si weyn uga carooday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee uu todobaadkii hore saxiixay Raysalwasaaraha.

Heshiiskaasi oo ay soo diyaarisay dowlada Ruushka ayaa waxaa kamid ahaa in dowlada Azerbaijan lagu wareejiyo dhul badan oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamda Armenia.

Raysalwasaare Nikol Pashinyan ayaa sheegay inuu ku khasbanaa inuu heshiiskaasi saxiixo, wuxuu sheegay inuu doonayey inuu ka hortago in khasaaro dheeraad ah ciidamadooda kasoo gaaro dagaalkii socday 6dii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *