Raysalwasaaraha Finland oo sheegtey in dulaanka Ukriane uu muujiyey daciifnimada Yurub

Published: December 3, 2022
Shares58

Ra’iisul wasaaraha dalka Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine uu banaanka soo dhigay daciifnimada aasaasiga ah ee dhanka difaaca iyo istaraatiijiyada Midowga Yurub.

“Haddii aan daacadnimo waramo, Yurub hadda iskuma kuma filna, waxaan la kulmi lahayn dhibaato weyn haddii aanan Maraykanka haysan,” ayay u sheegtay machadka Lowy ee Sydney.

Sanna Marin ayaa sheegtey in Ukraine la siiyo taageero “wax kasta oo ay ku qaadato Yurub” si ay ugu guulaysato dagaalka. Waxay intaas ku dartay in Maraykanku uu door muhiim ah ka qaatay bixinta hubka la siiyey Kyiv, maaliyadda iyo gargaarka bini’aadantinimo ee lagama maarmaanka u ah in lagu fashiliyo hamiga Ruushka.

“Waa inaan xaqiijinaa inaan sidoo kale dhiseyno awoodahaas marka ay timaado difaaca Yurub, warshadaha difaaca Yurub, iyo hubinta inaan la qabsan karno xaalado kala duwan,” ayay tiri.

Finland, oo raadinaysa xubinnimada NATO , waxay xornimada ka qaadatay Ruushka ku dhawaad ​​105 sano ka hor, ka dib Kacaankii Ruushka ee 1917. Waxay markii dambe guul ka keentey dagaalkii labaad oo ay Midowgii Sofiyeetiga la dagaalameen.

Sanna Marin waxa kale oo ay dhaleecaysay siyaasadaha EU-da waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimada ay leedahay la shaqaynta Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxa ay sheegtay in Midowga Yurub ay aheyd in uu dhageysto dowladaha xubnaha ka ah Midowga Soofiyeeti ilaa uu burburay.

“Waxay ahayd inaan maqalno saaxiibadayada Baltic iyo Polish in ka badan, inta lala shaqeynaayey Putin” Marin ayaa tiri.

Horseed Media