Raysalwasaaraha Haiti Ariel Henry oo is-casilay

Published: March 12, 2024

Raiisel wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa iscasilay, sida uu sheegay Mohamed Irfaan Ali, madaxweynaha Guyana, ahna gudoomiyaha xiligan ee ururka dalalka Kariibiyaanka (CARICOM).

Henry oo 74 jir ah ayaa istiqaaladiisa gudbiyay kadib markii madaxda CARICOM ay yeesheen shir deg-deg ah oo ku saabsan xaaladda Haiti, wadankaasi oo ay rabshado ka wadaan kooxaha burcadda hubeysan, iyadoo marar badan dib loo dhigay doorashada.

Isbahaysiga kooxaha hubeysan, ee uu hogaamiyo Jimmy “Barbecue” Cherizier, ayaa ka digay dagaal sokeeye haddii Henry uusan xilka ka dagin.

Raysalwasaaraha Haiti Henry, ayey inta badan shacabka dalkaasi u arkeen hogaamiye musuq-maasuq, waxaana la-la xariirinayey inuu wax ka ogaa dilkii Madaxweynihii dalkaasi Jovenel Moise oo la dilay sanadkii 2021.

Raiisel wasaaraha ayaa lagu waday inuu xilka ka dago bishii Febraayo, waxaana laga horjoogsaday inuu dalkaasi dib ugu noqdo, isagoo ka degay jasiirada Puerto Rico usbuucii hore kadib markii sidoo kale loo diiday inuu galo Jamhuuriyadda Dominican oo xaduud la wadaagta Haiti.

Urur gobaleedka CARICOM wuxuu sheegay in shirkooda deg-degga ah ee ka dhacay dalka Jamayka, looga hadlayey in xal loo helo dib usoo celinta xasiloonida Haiti, oo ah waddanka ugu saboolsan gobolka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ku sugnaa shir madaxeedka, waxaana uu ballan qaaday in $100m oo dheeri ah la siin doono ciidamada ay Qaramada Midoobay taageerto si ay u xasiliyaan dalka, iyo sidoo kale $30m oo gargaar bani’aadanimo ah.

Horseed Media