Raysalwasaaraha Liibiya oo ka badbaaday weerar lagu qaaday

Published: February 10, 2022

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday kolonyo uu la socday ra’iisul wasaaraha dalka Liibiya, Cabdulxamiid Dbeibah, xilli ay marayeen magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Khamiista xilli hogaamiyaha ku meel gaadhka ah uu ku soo laabtay dalka.

Waxaa la sheegay in mid kamid ah rasaasta lagu riday ay gudaha u gashay muraayadda gaariga Ra’iisul wasaaraha, balse isaga iyo darawalkiisa ayaa ka badbaaday.

Xeer ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa sheegay inuu bilaabay baaritaan ku saabsan weerarkii saaka lala beegsaday Raysalwasaaraha.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan khilaaf xooggan oo u dhaxeeya kooxaha iskuhaya dawladda, RW.Dbeibah oo loo magacaabay hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah sannadkii hore , ayaa ballan qaaday inuu la dagaallami doono xoogaga mucaaradkiisa ee doonaya in xilka laga qaado.

Isla Maanta oo khamiis ah ayuu Baarlamaanka dalkaasi uu codka kalsoonida u qaaday xukuumadiisa, iyadoo lagu wado in lasoo dhiso xukuumad cusub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *