Raysalwasaaraha MALI oo Faransiiska ku eedeeyay kala qaybinta Wadankooda

Published: February 8, 2022

Ra’iisul wasaaraha Mali ayaa Isniintii shalay ku eedeeyay Faransiiska inuu raadinayo kala qaybinta waddankooda intii uu Faransiiska ku jiray howlgalka milateri ee uu dalkaasi ku joogo, tani oo ah xiisadii ugu dambeysay ee soo kala dhexgasha Paris iyo Bamako.

Choguel Kokalla Maiga ayaa Khudbad qaadatay 45-daqiiqo oo uu u jeediyay dublamaasiyiin uu isagu casumay, waxa uu si adag ugu dhaleeceeyay Faransiiska oo ahaa dowladii hore usoo gumeysatay dalkaasi Mali iyo nidaamkii militariga ee isaga soo magacaabay.

Balse Maiga ayaa ka gaabsaday in uu ku dhawaaqo in ciidamada Faransiiska ay dalkaasi isaga baxaan.

Waxa uu qiray in faragelintii millatari ee Faransiiska oo soo bilaabatay sanadii 2013 ay hakisay kacdoonkii Jihaadiga ahaa ee horey u qabsaday waqooyiga dalkaasi, khatarna ku ahaa koonfurta. Laakiin, hawlgalka Faransiiska ayaa markii dambe isu beddelay kala qaybinta dalkooda, sida uu sheegay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *