Raysalwasaare hore oo weerar ku qaadey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Published: April 8, 2022

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo maanta saxaafadda la hadley ayaa weerar ku qaadey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, hadalka Cali Geedi ayaa yimid, kadib markii Koonfur Galbeed ay cabasho weyn ka muujisey dhamaystirka doorashada oo ay sheegtey in la beegsadey iyada keliya.

Cali Maxamed Geedi
Raysalwasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi

Geedi ayaa sheegay in uu arkey ama maqley Siciid Deni oo sheegaya in uu oday ka noqonaayo, oo wada hadal ka furaayo daawano ka raadinaayo dhibaatada taagan, haddiise ay diidaan (Koonfur Galbeed) loo joojin maayo oo waa laga socon.

Cali Gedi ayaa Deni ku weeraray xaalada Puntland iyo fashilka siyaasadeed, sida dagaalkii Boosaaso, kii beelaha ee Boocame, ku takrifalka awooda iyo ku tumashada dastuurka.

Nin gurigiisa hagaajiyey ayaa mid kale wax ka hagaajin kara, Puntland dhafoorka ay maanta leedahay weligeed ma yeelan ayuu yiri Cali Geedi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ku sugan dalka Imaaraatka Carabta, saxaafadda weli ma soo gaarin hadal iyo muuqaal uu uga hadlaayo arrinta Koonfur Galbeed, hadii aysan ahayn mid hoose ama telefoono la is weydaarsadey oo Cali geedi wax ka ogyahay

Hoos ka daawo

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Team Farmaajo weye Cali maxamed Geedi hadalkiisu micno samaayn maayo waayo shantii sano ee Farmaajo joogay ayaa soo afjaray waxa uu yahay qof ahaantiisa.