Raysalwasaare Kheyre oo faraha la galay shaqadii Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka – Sabab

Published: May 30, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shirki Khamiislaha ahaa ee Golaah Wasiirada waxa uu ku baaqay in golaha wasiirada xukuumadiisa u diyaargaroobaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen in dalka ay doorasho ku dhacdo.

Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay golaha wasiirada in howlaha ugu muhiin ee dowlada horyaal ay yihiin doorashooyinka ayna ka qeybqaataan sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacdo si nabad ah.

“Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin sida “stake holders” badankood ama kuligood qeyb ka yihiin.” “Doorasho ayaa ka dhici jirtey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay.”

Raysalwasaare Kheyere

Haddaba qodobka doorashada ee Raysalwasaaraha keligiis ka hadley shirkii maalintii Khamiista ayaan war saxaafadeedkii ka soo baxay Xukuumadda lagu darin, laakiin waxaa maanta lagu baahiyey barta Twitterka ee raysalwasaaraha iyada oo muuqaal ah, waxaa la is weydiinayaa sababta markii u horeysey raysalwasaaruhu uga hadley arrintan.

Marka la eego Arrimaha doorashada iyo ka shaqeyntooda waxaa iska leh Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana kala shaqeynaya dhamaystirka hawlaha ka qaybayada ah Guddiga joogtada ee Baarlamaanka.

Dadka sida dhaw ula socda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Rayalsawasaaruhu faraha la galay shaqadii Guddiga Madaxa Banaan ee doorashada, waxa keenayna ay tahay xaaladda kala guurka ah iyo in aan far iyo faraati la isu sii noqoneyn wixii hadda ka danbeeya.

Qaar kamid ah DOwlad goboleedyada ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo weliba sharciga doorashada ee labada awqalba ay ansixiyeen.

Waxaa la sugayaa maalmaha soo socda halka gaariga Madaxweyne Farmaajo u jiheysan doono oo isagu ku doodayo in dalkaan laga hirgelinayo doorasho hal qof iyo hal cod ah, taas oo ah wax ka fog caqliyadda in lagu qabto mudada harsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *