Raysalwasaare Kheyre oo ka degey magaalada Garoowe

Published: July 16, 2020

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa subaxnimadii hore ee khamiista ka degey magalaada Garoowe ee xarunta Puntland.

Raysalwasaaraha waxaa safarkiisa ku weheliyey Madaxweyanayaasha Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle

Raysalwasaare Kheyre iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland.

Ujeedka safarka rayaalwasaaraha ayaa ah in uu ka qaybgalo aaska loo samaynaayo raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax oo maanta lagu duugayo magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa Garoowe ku sugan Madaxweyanasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubaland oo ka qayb-galaya aaska.

Aaska kadib ayaa lagu wadaa in dib loogu noqdo magaalada Dhusamareeb oo uu ka furmayo shirka Dowlad goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ah, kuwaas oo ka wada hadlaya doorashada aadka loogu muran san yahay habka ay u dhacayso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *