Raysalwasaare Kheyre oo wasiiro xilka ka qaadey kuwana magacabey

Published: January 4, 2018

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii ka qaadey qaar kamid ah golihiisa wasiirada, waxaana uu magacaabey xubno cusub.

Sida laga soo xiganayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow waxaa Raysalwasaaruhu xilkii ka qaadey.

1. Yussuf Garaad Cumar oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Diabdda
2. Khadra Axmed Ducale Wasiirkii ganacsiga iyo wershadaha
3. Cabdi Saciid Faarax (Juxa) Wasiirkii arrimaha gudaha iyo Federaalka

Raysalwasaare Kheyre ayaa magacaabey saddex wasiir oo cusub

 

1. Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Ganacsiga iyo warshada
2. Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha
3. Danjire Axmed Ciise Cawad, wasiirka Arrimaha dibedda

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayaa ah ganacsade si weyn loogu yaqaaney shirkadaha isgaarsiinta (telecommunications company). waxaana uu kamid ahaan jirey mulkiilayaashii shirkadda Nationlink.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Maraykanka, halka wasiirka cusub ee ganacsigu uu yahay Xildhibaan Maareeye oo horey u soo noqdey Wasiirka Warfaafinta.

Sadexda Wasiir ee cusub ayey isku beel kasoo jeedaan Wasiirada xilalka laga qaaday.

Muddooyinkii danbe ayey jireen warar sheegaya in Raysalwasaare Khayre uusan xiriir fiican lalaheyn xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay horey u jireen Wasiiro xilalkooda isaga casilay sida Wasiiradii Maryam Qasim ee Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga.

Hoos ka akhri Wareegtada Raysalwasaaraha

Ra`iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;
Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;
Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;
Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;
Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:
Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.
Qodobka 2aad;
Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda

Qodobka 3aad;
Magacaabiddani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *