![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/11/Rooble-Wasaarad-Baydhabo-241120-1-1081x720.jpg)
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax-dhigay Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/11/Rooble-Wasaarad-Baydhabo-241120-2-1081x720.jpg)
Dhismaha Xarunta wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya labada Wasaaradood ee heer federal iyo heer dowlad- goboleed, waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta Gobolladda, si loo daadajiyo shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.
Horseed Media