Raysalwasaare Xamse ayaa magacaabey Wasiiro cusub kuwo kalena xilkii ka qaadey

Published: April 7, 2024
Shares100

Raysalwasaaraha XJFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqey qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadiisa. Wasiirada ayaa qaarkod ku cusub yihiin golaha xukuumadda qaarna waxaa loo beddalay wasaarado kale.

  1. Axmed Macalin Fiqi o horey u joogey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  2. Xil Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  3. Sen. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) waxaa loo magacaabey Wasaaradda Amniga Gudaha
  4. Xil. Cabdullaahi Warsame Bidhaan ayaa loo magacaabey Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
  5. Xil. Maxamed Aadam Macalin waxaa loo magacaabey Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  6. Axmed Cumar Maxamed ayaa loo magacaabey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

Waxaa xilkoodi waayey

Wasiirkii Boostaha iyo Isgaarsiinta Jaamac Khaliif, waxaana hab-qeybsiga beelaha ku soo galay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo wasaaradda Tamarta loo magacaabey. Sidoo kale waxaa xilkiisi waayey Jaamac Taqal Cabbaas oo horey u ahaa wasiirka tamarta iyo biyaha, waxaana hab-qeybsiga beelaha ku soo galay Maxamed Aadam Macalin oo Xukumaddii Raysalwasaare Kheyre kamid ahaan jirey.

Waxaa xilkii laga qaadey Wasiiru dowlaha deegaanka iyo isbeddalka cimilada Dr Aadan Ibraahim Aw-xirsi, waxaana beddalay oo hab-qeysbiga ku soo galay Axmed Cumar Maxamed

Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kadib markii uu magacaabey wasiiradan ka kooban 6-da waxa uu u dhoofey dalka Masar oo ay caruurtiisu deggan yihiib halkaas oo uu ku soi qaadanayo fasaxa maalmaha ciidka.

HORSEEDMEDIA