Raysalwasaare Xamse Barre oo ka qayb-galaya shirka TICAD ee Afrika iyo Japan

Published: August 26, 2022
Xamse  shirka TICA

Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb-galaya Shirka Caalamiga ah Tokyo ee Horumarinta Afrika ee TICAD8 (Tokyo International Conference on African Development) oo socon doona laba maalmood, kaas oo dalka Tuuniisiya ka furmaaya maalinta sabtida ah ee 27 Ogoosto 2022.

Wefdiga raysal wasaaraha ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde maanta oo Jimce ah.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa shirkan ka qayb-galkiisu u noqonayaa safarkii ugu horeeyey ee dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo markii la magacaabey 15 June, waxaana lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo shirka.

Shirka waxaa ka soo qayb-galaya Raysal wasaaraha Japan Fumio Kishida, oo qaar kamid ah madaxda Afrika la yeelanaya shir doceed.

TICAD ayaa markii labaad ka dhici doonta Afrika ka dib markii ay Kenya martigelisay sannadkii 2016-kii, shirkan ayaa noqonayaa kii 8aad oo noociisa ah.

Ku dhawaad ​​50 hoggaamiyaasha Afrika ayaa la filayaa inay ka soo qayb-galaan shirkan, oo ay weheliyaan in ka badan 200 oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee Afrika iyo wakiillada NGO-yada, 108 madaxda hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyo 120 qof ooka ka socda ganacsatada, kuwa warshadaha, iyo hal-abuurka tignoolajiyada.

Markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa, waddamada horumaray waxay bilaabeen xiisaha ay u hayaan qaaradda Afrika, si ay mar kale wershadahooda ugu helaan agabka ay u baahan yihiin, iyaguna u gacan wabtaan Afrika.

TICAD waxaa la asaasey sanadkii 1993, Shirka Caalamiga ah Tokyo ee Horumarinta Afrika waxaa la qabtaa saddexdii sanoba mar.

Ma cadda qorshaha Soomaaliya la tegi doonto shirka TICAD iyo in ay ka jeedin doonto khudbad abaaraha iyo gaajada la xiriirta, halka dalalka Afrikaanka ah ay la tagaan qorshayaal maalgelin , waxaana ay horey u sii kaxaystaan ganacsatadooda waaweyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *