Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo magacaabey Wasiiro cusub.

Published: October 21, 2024

Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabey wasiiro cusub oo ka mid noqon doona xukumadiisa, sidoo kale waxa uu markii u horeysey muddo 12 sano ah uu magacaabey raysalwasaare ku xigeenka labaad.

  1. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo horey u ahaa Wasiirka hawlaha guud ayaa loo magacaabey raysalwasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda federaalka.
  2. Mudane Dr Cilmi Maxamed Nuur oo horey u ahaan jirey wasiirka Maaliyadda ayaa mar kale ka soo muuqdey Xukuumadda waxaana loo magacaabey Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta
  3. Mudane Yuusuf Maxamed Aadam ayaa loo magacaabey Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada
  4. Mudane Maxamuud Axmed Aadam ayaa loo magacaabey Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka badda, waxaana xilkaan horey u ahayn jirey Gen Ilkajiir.
  5. Mudane Ilyaas Sheekh Abauukar Wasiiru dowlaha wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka
  6. Mudane Ismaaciil Shire Jaamac (Buraale) wasiiru Dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta
  7. Mudane Maxamed Cismaan Cumar Wasiiru dowlaha wasaaradda qoyska iyo hormarinta xuquuqul insaanka
  8. Mudane Caynaanshe Yuusuf Wasiiru dowlaha Shaqada Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada
  9. Mudane Maxamed Yussuf Xassan wasiiru dowlaha Kaluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga
  10. Maxamed Nuur Abuubakar Wasiiru dowlaha ganacsi iyo wershadaha.

Magacaabidda golaha wasiirada cusub ayaa imaaneysa xilli si weyn loo hadal hayo Mooshin ka dhan ah raysalwasaare Xamse Cabdi Barre