Raysalwasaare Xamse oo ka qaybgalay kulan lagu soo bandhigey kor u qaadida wax soosaarka

Published: March 24, 2024
Shares2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda DanQaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale, loona yareeyo saboolnimada ayaa xukuumadda Raysalwasaare Xamse sheegtey in ay mudnaanta siin doonto soo nooleynta kaabaayasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhimka ee dalka sida waxbarashada, Caafimaadka, beeraha, Kaluunnka, Xoolaha Kheyraadka dabiiciga ah, dalxiiska iyo dhismaha waddooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Horseed Media